MAXAA SABABA QALQAALINIMADA AMA FUDEYDKA CARRUURTA? (Qaybta 1aad)MAXAA SABABAY QALQAALINIMADA AMA FUDEYDKA CARRUURTA(Qaybta kowaad)
Qormadan waxaan ku eegeynaa siyaabaha ay cuntadu qayb uga qaadato dabeecadda carruurta, taas oo raad ku reebtay tacliintooda iyo noloshooda bulshada dhexdeeda. Qalqaalinimada carruurta waxaa keeni kara wax yaalo badan oo ay ka mid yihiin cuntada sonkortu ku badan tahay iyo arrimo kale oo xagga caafimaadka la xiriira. Waxaase badanaaba farta lagu fiiqaa sonkorta aad loo isticmaalo iyo waxyaabo lagu daro cuntooyinka (Food Additives). Si aan uga hadalno dhibaatooyinka haysta carruurteena khaasatan kuwa qurbaha jooga waxaa muhiim ah in aan ka jawaabno su-aalahan soo socda: 1.Maxay tahay saameynta ay cuntadu ku yeelaneyso dabeecadda carruuta? 2.Dhaqaale xumada qoysku ma saameynaysaa korrimada iyo dabeecadda carruurta? 3.Cuntada noocee ayaan u wanaagsaneyn korriimada, caafimaadka iyo waxbarashada carruurta? Haddii aan su-aasha kowaad ka jawaabno, dadka yar iyo weynba noocyada cuntada ay cunaan qayb weyn ayey ka qaadataa hab-dhaqankiisa ama dabeecadiisa. Cuntooyinka qaarkood waxay carruurta ka dhigaan: Dabeecadahaas kor ku xusan waxaa loogu yeeraa ADHD (ATTENTION DEFICIT HYPERACTIVITY DISORDER). Waxaana lagu arkaa carruur badan oo iskoolada iyo guryahaba loogu taag la-yahay. Joornaalka (The Lancet) oo dalkan UK ka soo baxa wuxuu qoray in boqolkiiba 8-10 carruurta adduunweynaha lagu arko dabeecadda noocan ah. Waxaana la yiraahdaa waxaa sabab u ah bay-ada sumeysan, cuntooyinka qaarkood (food additives & sugary staff), balwadaha waalidku lahaa markii ilmuhu uurka hooyadi ku jirey amase nafaqo darro. Baaritaano badan oo la sameeyey, waxay cadeynayaan in carruurta badsata cunida cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay iney fudeyd ka qaadaan caafimaadkoodana aaney u wanaagsaneyn. Cuntada noocaas ahi waxay kor u qaadaa sonkorta (glucose level) la socota dhiigooda. Sonkortaasi waxay ku badan tahay refined carbohydrates. La soco qaybta labaad oo aan uga hadlidoono cuntooyinka loo baahanyahay in laga ilaaliyo carruurta si caafimaadkooda loo dhowro. Waxaa diyaariyey: Dr. Abdisalam Sheikh Hassan |
| Taariikhda www.ururshe.com lagu daabacatay:3 Apr 2008 | |