Qisooyin Rasuulka (SCW) ka sugnaaday (Qisada 3aad)
Labo nin oo abtirsaday oo midna Janno ku galay midna Naar ku galay
Imaam Axmad ayaa kitaabkiisa musnad kaga wariyay Ubayy ibnu Kacb in uu yiri: labo nin ayaa abtirsaday samankii Nabigeenna (SCW), markaasaa midkood yiri: waxaan ahay ina hebel hebel ee adigu yaad tahay hooyo beele?. Kolkaas ayaa Nabigeennu (SCW) yiri:
(Labo nin ayaa abtirsaday xilligii Nabi Muuse, markaasaa midkood yiri: waxaan ahay ina hebel hebel ilaa uu tiriyay sagaal oday ee adigu yaad tahay hooyo beele?. Markaasaa kii kale yiri: waxaan ahay ina hebel hebel islaam. Markaas ayaa Nabigu (SCW) wuxuu dhahay: Alle ayaa markaas u waxyooday Nabi Muuse in uu ku dhoho: labadiinaan abtirsaday: kan sagaal oday oo Naarta ku jira ku abtirsadayoow adigaa Naarta ku tobaneeya. Kan labo oday oo Jannada ku jira ku abtirsadayoowna adigaa ku seddexeeya Jannada).
Faa’iidooyinka xadiiska:
1. Xadiisku wuxuu tusayaa in ninkaani ugu faanay walaalki awoowayaal gaalnimo ku dhintay oo uu u arkayay inay ka muhiimsan yihiin kuwa ninkaan kale ku abtirsado. Nabigu (SCW) wuxuu sheegay: in abtir isugu faanku yahay dhaqan jaahili ah oo aysan ummaddiisu ka tagayn. Dhanka kale waxaa ka muuqata in uu liidayo ama durayo abtirka ninkaan kale oo walaalkiis ah. In la duro nasabka dadku waxay ka mid tahay dhaqamada jaahiliga ahaa oo Nabeegeennu (SCW) uu sheegay in aysan ummaddiisu ka tagayn. Waxaa kale oo Nabigu (SCW) yiri: Qofka waxaa dambi ugu filan in uu walaalkiis muslimka ah xaqiro (liido). Haddaba waa in si weyn la isaga ilaaliyo khatartaas.
2.Rasuulku (SCW) wuxuu digniin adag ka baxshay abtir ku faanka, ciddii aan ka harina Ilaahay agtiisa waxay noqonayaan kuwa ka liita doorshaanka (xaar walwaal) saxarada sanka ku dilindileeya (riixa). Walaalayaalow haddii ninka qabyaaladda wadaa ka liito doorshaan soo qabyaaladduna saxaradii doorshaanku waday kama liidato, mase idiin muuqataa in meesha ay ka soo baxday nin weyn oo saxaro sanka ku riixaya!!!. Waa musiibee: Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
3.Xadiisku wuxuu ina barayaa in fasaadka iyo qallooca lagu saxo warinta akhbaarta dadyawgii hore. Nabigeennu (SCW) wuxuu u wariyay nimankii isu faanayay qiso la mid ah qisadooda; si ay ugu cibra qaataan oo uga haraan dhaqankaas xun.
4.Xadiisku wuxuu tusayaa in labada nine ee reer Banii Israa’iil midba uu ku faanay wixii la weynaa ama qiimaha la lahaa; maxaa yeelay mid aan awoowayaal badan lahayni ma jiro ee kan inta muslimiinta ah kaliya iyo islaamnimada ku abtirsaday wuxuu og yahay in aan gaalo ku abtirsigeed sharaf u soo hoyinayn. Kan kalese wali waxaa ku jira haraagii dhaqankii jaahiliga ee awoowayaasha la isugu faani jiray. Sayid Cumar Ibnu Alkhaddaab ayaa laga wariyay: waxaan nahay qolo Ilaahay ku ciseeyay islaamnimada, markii aan ciso ka raadino wax kalena Alle ayaa na dulaynaya. Walaalayaalow sida Cumar sheegay oo dhab ah soo idiin ma muuqato xilligaan.
5.Xadiisku wuxuu si cad u muujinayaa dambiga abtir ku faanka iyo khatarta uu leeyahay; maxaa yeelay ninkii ku faanay awooweyaasha waxaaba loogu bishaareeyay inuu naarta galayo isaga iyo waxa uu ku faanayaba. Nabigeenuna (SCW) wuxuu yiri: (ninkii camalkiisu la gaabiyo nasabkiisu dheeraysiin maayo). Tan kale waxaa xadiiska ku cad in ninkii islaamnimada qabsada oo ciso ka doonta Alle ku sharfayo, kuna siinayo ciso adduun iyo janno aakhiro.
6.Aabbayaasha wanaagsan waxay laftoodu wax ku anfacaan in lagu raaco islaamnimada, sida uu Rabbi ka wariyay Nabi Yuusuf: (waxaan raacay diinta aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub oo nama qabato in aan Alle u shariik yeelno). Waxaa kale oo Rabbigeen yiri: (Kuwa mu’miniinta ah oo ay durriyaddoodu ku raacday iimaanka waxaan haleeshiinaynaa durriyaddooda, camalkoodana waxba ka nuqsaamin mayno). Haddaba waa in ay ogaadaan dadka ku abtirsada culimo iyo dad kale oo wanaagsan in aysan waxaba ka macaashayn wanaagga aabbayaashood haddaanay ku raacin diinta iyo wanaagga.
7.Xadiisku wuxuu tusayaa sida islaamku qofka qabsada uu ugu beerayo isku kalsooni. Eeg ninkaan ka dhashay qolada malaha awal la yasi jiray sida uu imminka isugu kalsoon yahay islaamnimada awgeed.
8.Xumaanta qabyaaladda iyo quursiga waxaa ku tusaya sida markiiba Ilaahay iyo Nabiayaashiisu uga jawaabayaan isu faanka dhexmaraya nimanka wanaagsan iyo kuwa xun xun ee wali dhaqankii jaahilyada dabada haya.
9.Islaamku wuxuu si cad oo adag uga digayaa casabiyada iyo fir ku faanka. Waxaa kale oo aan la ogolayn in tolka lagu raaco baadilkooda ama loogu hiiliyo dulmi.
10.Qofkii qaraabadiisa ama tolkiis kula safta wax xaq ah ma aha qabyaaladayste ee waajib saarnaa ayuu gutay; maxaa yeelay islaamku wuxuu ina amray in aynu u hiilino muslim kasta oo dulman, waxaana la ina ka nahyiyay in aynu hoojino. Waxaase digniin ah in aan loo qiil dayin dulmiga tolku muslimiinta kale ku samaynayaan. Hiilka tolku xaaladdaas waxa weeye in dulmiga laga qabto oo laga badbaadiyo wax ay naar ku galayaan ama cuquubo adduun oo deg deg ah ku kasbanayaan. Dulmiga iyo caasi waalidnimaduna waa labada dambi ee Ilaahay ciqaabtooda soo dadajiyo adduunka.
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com
|