Macallinka fiican, Manhaj waxbarasheedka dhameyska tiran iyo dawrka ay ku leeyihiin barbaarinta ilmaha.

Macallinka fiican, Manhaj waxbarasheedka dhameyska tiran ah iyo dawrka ay ku leeyihiin barbaarinta ilmaha.

Waxaa kulankii ka dhacay Masjidka Qubaa ee magaalada London lagu soo bandhigay Duruus heer sare loo soo diyaariyay, oo wacdaro iyo horumarba xambaarsanaa. Waxaan akhristayaasha bogga www.ururshe.com ugu soo gudbinaynaa laba cashar oo ka mid ahaa diraasaadkii ka dhacay halkaas ee anfaca wayn u lahaa Macallimiintii ka qaybgashay duruustaas.



Anaga oo aan u helin fursad in aan duubno duruustaas, cillado xagga farsamada oo jiray awgood, ayaan door bidnay in aan Bulshada Soomaaliyeed Waalid iyo Macallinba u soo gudbinno qoraalka laba darsi oo muhiim u ah ubadkeena iyo horumarinta waxbarashadooda.



Labadan darsi oo uu soo jeediyay Ustaad C/risaaq Hiirad oo khibrad aad u saraysa u leh dhanka waxbarashada isaga oo ku soo guda jiray laga soo bilaabo Jaamacaddii Soomaaliya oo uu barayaasheeda ka mid ahaa ilaa iyo maanta oo uu si joogto ah ugu jiray waxbaridda Soomaalida iyo Caruurteeda isaga oo la shaqaynayay wasaaradda u qaabilsan waxbarashada ee waddan ka mid ah reer galbeedka.



Insha Allah marka uu goob kale ka jeediyo ee markaan ku xigta ayaanu iska xil saari doonaa in aan Afkiisa ka duubno oo idiin soo gudbino, hadase waxaan muhiim u aragnaa in laga sii faa’iidaysto labadaan darsi.




waxaad ku furan kartaa pdf, hadaadan haysanna halkaan ka soo shubo ( http://www.adobe.com/products/acrobat/readstep2_servefile.html?option=full&order=1&type=rs2_main&language=English&platform=WinXPSP2&hasjavascript=1&dlm=nos&getsconly=1&getamp=1&_d=0 ). Labadii casharna waa kuwaan:


  • Macallinka fiican iyo dawrka uu ka qaato barbaarinta ilmaha ( http://www.ururshe.com/Macallinka wanaagsan iyo Caruurta.pdf )

  • Manhaj waxbarasheedka dhameystiran ah iyo dawrka uu ku leeyahay barbaarinta ilmaha ( http://www.ururshe.com/Manhajka dhamaystiran iyo Caruurta.pdf )



Luqadda ay ku qoran yihiini waa Carabi ay cid kastaa fahmi karto. Hana naga ilaawin Duco lillaahi ah.


«Ra'yiga qoraalku ma tusayo kan Ururshe.com, Waxaana mas'uul ka ah qoraaga ku qoran.»
Cinwaanka qoraalkan: «Macallinka fiican, Manhaj waxbarasheedka dhameyska tiran iyo dawrka ay ku leeyihiin barbaarinta ilmaha.» Taariikhda www.ururshe.com lagu daabacatay:9 May 2008