MAXAA SABABAY QALQAALINIMADA AMA FUDEYDKA CARRUURTA(Qaybtii 2aad)
Cuntada qaybta la yiraahdo Carbohydrates waxay jirka siisaa awood ama shidaal si qofku u qabsado howlihiisa. Carbohydrate(ka) inta saa-idka ah jirku waa keydsadaa si uu mar dambe u isticmaalo. qofka haddii uu waayo cuntadan wuxuu noqdaa mid markasta ka daalaya jir ahaan iyo miskax ahaanba. Carbohydrate(ku) wuxuu muhiim u yahay in miskaxda, wadnaha, dheef-shiidka iyo difaaca jirku ay si sax ah u shaqeeyaan. Fibre(ka) oo ah qayb ka mid ah Carbohydrate(ka) wuxuu muhiim u yahay in jirku iska saaro haraaga dheef-shiidka iyo suntan.
Markii cuntada qaybta carbohydrate(Ka) la shiido, waxaa loo bedelaa sonkor (glucose) taas oo dhiiga raacda. Sonkortaas waxaa jirku u isticmaalaa shidaal ama awood uu ku shaqeeyo inta dheeraadka ahna waa uu keydiyaa si uu markale u isticmaalo. Glucose(ka) inta saa-idka ah waxaa lagu keydiyaa beerka iyo murqaha.
Carbohydrate(ka) waxaa kaloo ka mid ah sonkor kale oo la yiraahdo sucrose. Sonkortan oo ah tan lagu macaaneeyo cabitaanada, shaaha ama kafeega, waxaa kaloo lagu daraa doolshaha iyo cuntooyinka kaleba. Sonkortani waa tan lagu cayilo oo baruurta jirka keenta. Waxay kaloo keentaa fudeydka carruurta iyo cudurka macaanka.
Cuntooyinka haddii la warshadeeyo ama ay soo maraan gacmo badan waxay u daran yihiin caafimaadka. Tusaale qamadiga markii laga saaro qaybaha la yiraahdo baran iyo germ, waxaa soo haraya burka laga sameeyo rootiga cad. Waxaa la mid ah baastada iyo xubuubta la sonkoreeyey (sugary cereals) oo kor u qaada sonkorta dhiiga la socota, taas oo xanuuno keeni karta. Haddaba waxaa wanaagsan si caafimaad loo helo in la cuno rootiga midabka leh (wholemeal bread) baastada midabka leh iyo bariiska midabka leh, kuwaas oo jirka galinaya nafaqooyin badan.
Sida aad la socotaan cuntada ama cabitaanada waxaa lagu dara walxo lagu magacaabo Preservatives si aynan u xumaanin ama dhadhankooda loo wanaajiyo. Walxahaas waxaa ka mid ah Sodium benzoate (E211), Sunset Yellow (E110), Carmoisine (E122), Tartrazine (E102) Quinoline Yellow (EW104) & Allura Red (E129). Walxaha lagu daro cuntada ama cabitaanada intan kuma koobna waana badan yihiin. Waxayna carruurta ku keenaan fudeyd badan iyo ayaga oo aan tacliinta ku wanaagsanaan. Cabitaanada aad wax u yeela dabeecada ama fahamka carruurta waxaa ka mid ah kuwa abriya (Fizzy drink), nacnacyada (Sweets) iyo cuntooyinka la warshadeeyey (processed food) sida doolshaha iyo buskudka.
Xalku Muxuu Yahay haddaba? Soomaalidu waxay oran jirtay “qof walba intuu cunuu ciidamiyaa”. Waxaa taas la mid ah oraahdan ah “You are what you eat”. Taas macaheedu waxaa weeye ilma kasta hadba cuntada aad siiso ayuu dabeecadeeda yeelanayaa. Marka waxaa fiican in carruurta lagu quudiyo cunto waxtar leh oo isu dheelitiran amase ka kooban qaybaha kala duwan oo ay cuntooyinka oo dhammi ku jiraan.
- Waa in loo badiyaa khudrada cagaaran oo aan aad loo karin ama sideeda loo cuno iyo fruit 2-3 xabo maalintii.
- Waa in carruurta la siiyaa cunto aan la warshadeyn (no processed food) i.e. whole food.
- Waa in laga ilaaliyaa cabitaanada abriya (Fizzy drink) iyo kuwa midabka leh oo lagu daray preservatives iyo sweetners.
- Waa in la siiyaa waxa la yiraahdo Omega 3 oo laga helo kalluunka si fahamkooda iyo miskaxdooda loo dhiso.
- Waa in carruurta laga daayaa cuntooyinka saliida, sonkorta iyo milixda badan leh sida chicken, chips, crisps iwm.
Qaybta seddexaad oo ku saabsan dadka waaweyn la soco
Waxaa diyaariyey: Dr. Abdisalam Sheikh Hassan
|