Qisooyin ka sugnaaday Rasuulka (SCW) -Q. 1aad.

Xaakim ayaa ka wariyay Abuu Muusaa in uu yiri: Rasuulka (SCW) ayaa ku soo degay nin reer miyi ah, markaas ayuu karaameeyay, markaas ayuu Nabigu (SCW) ku yiri: (ninka reer miyiyoow i weydiiso dantaada).

Markaas ayuu yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: hal reeryaysan iyo riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayaa Rasuulku (SCW) ku yiri: ( war ma kari weyday in aad noqotid habartii reer Banii Israa’iil oo kale?). Deeto asxaabtii ayaa waxay dheheen: Rasuulka Alloow (SCW) maxay ahayd habarta reer Banii Israa’iil?, markasuu yiri: (Muuse ayaa doonay in uu reer Banii Israa’iil la boxo, markaasuu jidkii ka dhumay, markaasay culimadii reer Banii Israa’iil ku dheheen: Annagaa kuu sheegayna ee Yuusuf ayaa ballan Ilaahay nagaga qaaday in aanaan Masar ka bixin ilaa aan lafihiisa qaadno.

Markaas ayuu yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf?. Waxay dheheen: qabriga Yuusuf cid aan habarta reer Banii Israa’iil ahayni ma yaqaan, markaas ayuu u cid diray, wuxuuna ku yiri: I tus qabriga Yuusuf.

Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan jannada kula galo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (wuu dhibsaday Rasuulkii hadalkeedii, markaas ayaa lagu yiri: sii dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay timid badyaro (meel biyuhu ku uruuraan) markaasay tiri: dhura biyahaan, markay dhureen ayay ku tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaa ku jira lafihii Yuusuf. Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale.

Maxaan ka faa’iidaysanaynaa xadiiskaan?

Waxaynu sheegnay in sheekada warinteeda diintu ka leedahay ujeeddo la doonayo in lagu gaaro. Ujeeddada ugu weyni waa in cibro iyo waansamid laga qaato oo hadday wanaagsan tahayna lagu daydo, hadday xuntahayna laga dheeraado. Hadaba aynu eegno qaar ka mid ah faa’iidooyinka xadiisku xambaarsan yahay.

1.Martigalintu waa wax xaq loogu leeyahay qofka muslimka ah. Mu’minka waxaa saaran in uu karaameeyo martidiisa, waana sida uu yeelay ninkaas saxaabiga ah oo reer baadiyaha ahaa.

2.Diinteennu waxay inaku boorisay in qofka ixsaan loo galo uu ka abaalgudo, duca kaliyaba Alle ha ka dhigee, waana arrin dhaqan u ahayd Rasuulkeenna (SCW), sidaa darteed ayuu ku yiri ninkii marti sooray oo karaameeyay: sheego dantaada.

3.Ninkii ma haleelin in uu Rasuulka wax weyn oo adduun iyo aakhiro anfaca weydiisto ee wuxuu su’aashay wax yar oo adduunyo kaliya ah. Taasna Rasuulku (SCW) ma garaysan; maxaa yeelay nin mu’min ah oo og in uu Rasuulkii (SCW) dalab u sheeganayo ma qabato in uu wax sidaa u hooseeya sheegto, illeyn mu’minka waxaa lagu yaqaanay hanweyni iyo inuu meel sare ka fakaro. Kolkaas ayaa Nabigu (SCW) tusay asxaabtii in sida habartaas loo hanweynaado ee aan wax liita hadaf laga dhigan.

4.Ninkaan reer baadiyaha ahi Nabiga (SCW) wuxuu weydiistay wax xalaal ah oo uu u baahnaa, Nabiguna (SCW) wax ka weyn oo ka qiimo badan ayuu la doonayay ee inuu xumaan sameeyay kuma sheegin. Haddaba maxay kula tahay nin weyn oo subax walba u soo kallahaya in uu dadka waydiisto wax marka horena xaaraan ah, haddana wax yar oo liita sii ah, sida: Qaad iyo kii lagu Qiicin lahaa?.

5.Waxaa saaran culimada iyo hoggaanka ummadda in ay ogaadaan in jabka iyo dib u dhaca ummadda haysta uu xaggeeda ka yimid oo ay darsaan asbaabta keentay; si xal loogu helo ee aanay inta indhaha isku qabsadaan oran waan saxanahaye soo socda ama hadba meel cusub oo waxa ka soo bixi doona aan la ogayn aanay wejiga ku diirin.

6.Qisadaani waxay tusaysaa qiimaha cilmigu leeyahay iyo sida loo qadarinayo qofka cilmiga leh. Waxay kale oo tusaysaa haddii dadka cilmiga leh aan aqoontooda iyo ra’yigooda la tixgalin in la dhumayo. Ninkii yiraahda waan ka maarmayaana in uu meel mugdi ah oo haadaan ah wax ka tuurayo.

Eeg Nabigii Ilaahay ayaa ku khasbanaaday in uu habar wax weydiiyo oo waliba ay shuruud ku xiraysaa, isna ka yeelayaa; si uu dadkiisa jid toosan u mariyo. Ka waran haddii la yiraahdo waa habare inaga daaya?.

7.In ay ummadihii hore ku jireen dad khayrka aad ugu han weyn sida habrtaan. Asxaabta Nabigeenana (SCW) dhaqan bay u ahayd in ay ka fakaraan oo raadshaan meelo sare. Tusaale ahaan: markuu Nabigu (SCW) ka waramay todobaatan kun oo ummaddiisa ah oo jannada xisaab la’aan iyo cadaab la’aan galaya, waxaa soo booday Cukaasha ibnu mixsan oo yiri: Rasuulka Alloow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro.

Markaas ayaa Nabigu (SCW) ku yiri: ka mid ayaad tahay. Sidoo kale markii Nabigu (SCW) sheegay in jannadu leedahay siddeed albaab ayuu yiri Abuubakar: qofna ma looga yeerayaa albaabadaas oo dhan?.

Nabigu wuxuu ku yiri: waxaan rajaynayaa in aad ka mid noqotid. Waxaa kale oo jiray nin saxaabi ah oo Nabigu ku yiri: I weydiiso, isna weydiistay in uu jannada kula rafiiqo Nabiga (SCW), markaasuu ku yiri: (iigu kaalmee sujuud badan). Saxaabigaasi wax janno ka yar wuu ku qanci waayay.

8.In ay dumarka ku jiraan qaar ragga badankiisa khayrka kaga han weyn oo jannada iyo raallinimada Alle uga dadaal badan, sida habartaan oo kale. Waxaa xusid mudan in dumarkii asxaabtu sidaa oo kale ahaayeen, sida: Ummu Suleym binti milxaan oo markii Nabigu (SCW) isaga oo gurigeeda jiifa uu soo toosay isaga oo qoslaya, markay weydiisay sababta uu la qoslayana wuxuu yiri: dad asxaabtayda ka mid ah oo badda fuulaya iyaga oo jidka Ilaahay ku duulaya, markaasay ku tiri: Rasuulka Allow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro, markaasuu ku yiri: waad ku jirtaa. Waxaa iyana soo qaadis mudan saxaabiyaddii sarcaha qabtay oo Rasuulka ku tiri: ii ducee oo uu ku yiri: kala dooro in aan kuu duceeyo oo aad biskootid iyo inaad sabartid oo aad jannada gashid, markaasay dooratay jannada, Nabigana (SCW) waxay weydiisatay in uu u duceeyo si aysan u faydmin cawradeedu markii ay suuxdo, wuuna u duceeyay oo markay suuxdo ma faydmi jirin.

Haddaba soo gabdheheenna maanta lama gudboona inay ku daydaan dadkaas qiimaha badan?, miyayse qabataa inay cumrigooda ku dhammeeyaan daah, sariir, dhoof iyo sheeko baraley?.

Maya oo gabdhahayagu intaa ka qiima badan ee Alle ha u siyaadiyo wanaagga.

9.Qisadani waxay tusaysaa sida Rasuulku (SCW) uu asxaabtiisa iyo ummaddiisa ula jeclaa khayrka iyo han weynida, uuna ugu boorin jiray mar kasta oo fursadi soo marto raadinta darajooyin sare, tusaale ahaan wuxuu ku yiri asxaabta: haddaad Alle janno weydiisataan Firdawsa weydiista maxaa yeelay; waa meesha jannada ugu sarraysa, uguna wanaagsan, webiyada jannaduna ka soo burqadaan.

10.Qisadaani waxay ka mid tahay mucjisooyinka Rasuulka (SCW); maxaa yeelay waa wax ghayb ah oo in Rabbi u sheega mooyee aanu si kale ku ogaan Karin illeyn qisada habartu kumaba taal tawraadda hadda Yuhuuddu haysato.

11.Dadka waxaa ku dhaca tawfiiq la’aan hadday fulin waayaan amarka Ilaahay. Eeg reer Banii Israa’il oo Nabi Muuse la socdo ayaa jidkii ka dhumay dardaarankii Nabi Yuusuf oo la fulin waayay awgi. Waxaa la mid ah markii qaar asxaabta ka mid ahi khilaafeen amarkii Rasuulka (SCW) maalintii Uxud muslimiintii oo dhan ayaa dagaalkii ku jabay iyagoo Nabigii (SCW) la joogo.

FG: In lafihii Nabi Yuusuf la soo saaray macneheedu ma aha in jirka intii kale baaba’day ee waxaa looga jeedaa in meydkii oo dhan laga soo saaray qabrigii; maxaa yeelay Nabigeenna (SCW) ayaa sheegay in Ilaahay dhulka ka xaaraameeyay in uu cuno jirka Nabiyaasha.

Axmed C/samed
alwaqaar@hotmail.com

Source: Beerdhiga.com



«Ra'yiga qoraalku ma tusayo kan Ururshe.com, Waxaana mas'uul ka ah qoraaga ku qoran.»
Cinwaanka qoraalkan: «Qisooyin ka sugnaaday Rasuulka (SCW) -Q. 1aad.» Taariikhda www.ururshe.com lagu daabacatay:23 Jul 2007