Wadaad la kala doorransiiyay dil, Khaansiir, Sino iyo khamro (Qisadii 14aad)Dabaraani ayaa ka wariyay C/laahi ibn Camr (Alle ha ka raalli noqdee) in Abuubakr Alsidiiq, Cumar ibn Alkhaddaab iyo dad kale oo asxaabta Rasuulka ah ay geeridii Rasuulkeenna (SCW) ka dib ka sheekaysteen dambiyada kan ugu weyn oo ay wax cilmi ah u waayeen. Markaas ayaa C/laahi ibn camr u sheegay in Rasuulku (SCW) yiri: Boqor reer Banii Israa’iil ah ayaa qabtay nin, wuxuuna doorransiiyay: in uu khamro cabbo ama uu wiil yar dilo ama uu sinaysto ama uu hilib doofaar cuno, haddii uu diidana ay dilaan, markaas ayuu doortay in uu khamrada cabbo, markuu khamradii cabbayna wax dambe kama diidin. Markaas ayaa Rasuulku nagu yiri: qofkii khamrada cabba afartan habeen salaad lagama aqbalo, qofkii dhinta isaga oo ay calooshiisa wax khamro ah ku jiraan jannada ayaa laga xaaraameeyaa, qofkii afartanka dhexdiisa dhintana wuxuu geeriyooday geeri jaahiliyo. Nasaa’i ayaa ka wariyay Cuthmaan ibnu caffaan (Alle ha ka raalli noqdee) in uu yiri: ka dheeraada khamrada; maxaa yeelay waa waxyaabaha xun xun hooyadood. Waxaa jirey nin ummadihii idinka horreeyay ah oo cibaadaysan jirey, markaas ayay jeclaatay naag saaniyad ah, markaas ayay u dirtay khaadimadeedii, waxayna ku tiri: waxaan kuugu yeeranaynaa markhaanti, markaasuu raacay inantii, iyaduna albaabkii uu galaba way soo xiraysey ilaa uu gaarey haweeney qurxoon oo wiil yar iyo weel khamro ahi ag yaalaan, waxayna ku tiri: wallee in aanan markhaanti kuugu yeeran ee waxaan kuugu yeertay in aad iga sinaysatid ama aad khamradaan galaas ka cabtid ama aad wiilkaan dishid!. Wuxuu yiri: khamrada galaas iga waraabi, markaasay siisay galaas, wuxuuna yiri: ii kordhiya, wuuna sii waday ilaa uu ka sinaystay haweentii, wiilkiina uu dilay ee khamrada ka dheeraada, wallaahi hadday kulmaan iimaanka iyo khamrada la daa’imo mid baa kan kale saaraya (barabixinaya). Waxaa ka muuqata in labadaan qiso isku mid yihiin oo boqorku haweenta u adeegsaday baadiyaynta wadaadka, wayna ka muuqataa hadalkeeda in ay tahay qof awood sare ku hadlaysa. Faa’iidooyinka qisada: Qisadaan waxaa ku jira faa’iidooyin iyo cibrooyin badan oo qofka muslimka ah anfacaya, waxaana ka mid ah: 1. in Rasuulka iyo asxaabtiisuba dadka ku tarbiyayn jireen qisooyinka ummadihii hore; si ay uga qaataan duruus iyo cibrooyin. 2. sida asxaabta Nabigu (scw) gaar ahaan khulafadu ugu dadaali jireen cilmiga iyo sida ay u raadin jireen waxa ugu daran ee Alle ka dheerayn kara; si ay uga fogaadaan, waana tan keentay in ay iska waraystaan dambiyada kan ugu weyn. 3. in cid loo diro meeshii ama qofkii lagu tuhmayo in uu cilmi u leeyahay arrinta laga hadlayo oo waxay raggaani nin u direen C/laahi ibn Camr. 4. in cilmiga loo aado halka uu yaal iyo cidda haysa illeyn Abuu bakr iyo Cumar waxay aadeen guriga C/laahi Ibn Camr; si ay uga soo maqlaan cilmigaas. 5. in culimada waaweyn garanwaayi karto masalo oo rag ka cilmi yar ay garan karaan, sida haddaba dhacday. 6. Qisadu waxay tusaysaa sida madaxda xunxun ugu dadaasho baadiyaynta iyo sumcad ka dilista culimada iyo dadka wanwanaagsan, iyo inay u kaashadaan arrintaas cid walba iyo wax kasta oo ku caawin kara dumarkuba ha ugu horeeyeene. 7. Dadka xunxuni waxay jecelyihiin in lala xumaado, sida Ilaahay u yiri: (waxay jeclaysteen (gaaladu) in aad u gaalowdaan say u gaaloobeen oo aad noqotaan kuwo isku mid ah), Ibliisna wuxuu ku dhaartay in uu ilma Aadan baadiyayn doono. Haddii lala xumaan waayana way la colloobaan dadka wanaagsan, sida Qawmu Luud u dheheen: (reer Luud ka saara magaaladiina waa qolo is daahirinaysee (xumaanta aan falayno iska daahirinaysa)). Sababta ay xumaanta dadka ula rabaan waxa weeye in aysan iyaga xumaantoodu muuqan oo la isla wada kharaabo, miisaanka xumaanta iyo samaantana la is daba mariyo; sidaa aawadeed ayaa kuwa liita u duraan, una xantaan dadka saalixiinta ah. Hadday waayaan wax run ah oo ay ka sheegaana been ayay ka sameeyaan. 8. Waxay kaloo tusaysaa khatarta fitnada dumarka iyo weynanka dhagartooda, Ilaahayna wuxuu ku yiri: (dhagartiinu aad bay u weyntahay), Nabiguna (scw) wuxuu yiri: (ragga ugama tagin fitno uga dhib badan dumarka ee iska jira adduunyada, dumarkana iska jira). 9. Ahmiyadda in aan qofka muslimka ah la dagin ee uu ka feejignaado dhagarta cadawgu u maleegayo iyo in la ogaado in dadka saalixiinta lagu soo xerogaliyo marka hore wax wanaagsan, ka dibna dhabta la taabsiiyo, sida haddaba haweeneydu wadaadka ugu soo dabtay markhaanti noo noqo ama noo fur. 10. in khamrada laga dheeraado; maxaa yeelay xumaanta oo dhan ayay hooyo u tahay, qofka cabbana dambiyada kale oo dhan ayay u sahlaysaa. 11. dambiyada nafsad ahaantooda waxaa ugu weyn shirkiga (gaalnimada), khamraduse marka laga eego sida ay dambiyada kale dadka ugu sababto ayay ugu weyntahay; maxaa yeelay waxay gaarsiin kartaa qofka daa’ima gaalnimo, dil, sino iwm. 12. weynanka ciqaabta qofka khamrada cabba (afartan habeen salaad laga aqbali maayo), kan dhinta isaga oo ay calooshiisa ku jirto (jannada ayaa laga xaaraameeyay) ama isaga oo ku jira afartankii (wuxuu dhintay geeri jaahiliyo). Waxaa kale oo xusid mudan in Rasuulku (scw) yiri: Alle wuxuu lacnaday khamrada, kan miira, kan loo miiro, kan cabba, kan qaada, kan loo qaado, kan gada, kan gata, kan waraabsha iyo kan la waraabshaba. Waxaa haddaba la gudboon muslimka in uusan haba yaraatee wax kaalmo ah ka gaysan isticmaalka maandooriyaha, sida in gaarigiisa, gurigiisa, xooggiisa iwm loo adeegsado shaqadeeda. Qofkii yeelana lacnadda Alle ayaa haleelaysa. 13. In aysan Iimaanka (islaamnimada) iyo khamradu meel ku wada jiri Karin ee hadday isugu yimaadaan midkood baxayo, midna meesha u harayo. Xadiis kale ayaa Rasuulku (scw) ku sheegay in uusan qofka khamrada cabbaya cabbayn isaga oo mu’min (muslim) ah. 14. Ahmiyadda in qofku ku samro imtixaanka oo uusan waligi isku mashquulin nafta uun badbaadi; maxaa yeelay nafta dhib ka ilaali marka dambe waxay kula gali kartaa meel aan laga soo noqon Karin, sida ninkaan ku dhacday. Wuxuu isku dayay si uu u badbaado in uu dambiyada la kala doorransiiyay kan u sahlan falo, isagiibaase kuwii ka darnaa u sii gudbiyay. Macnaha hadalkaygu ma aha in aan rukhsada Ilaahay diidayo ee waa in la isku boorriyo in la qaato caziimada sidii Nabi Yuusuf u yiri: (Rabbiyow xabsigaan ka jeclahay waxa (sino) ay iigu yeerayaan) markii ay haweentu ku tiri: hadduusan yeelin waxa (sinada) aan farayo waa la xabbisin, waana la dullayn. 15.. Shareecada islaamku waxay ilaalisaa caqliga aadanaha oo ah nicmo weyn oo Alle ina siiyay, waxayna xaaraamaysay wax kasta oo wax yeelaya; sidaa darteed ayaana khamrada Alle u xaaraameeyay, waxaana la xukun ah wax kasta oo caqliga wax u dhima sida: daroogooyinka kala duwan oo qaadka iy xashiishaddu ka mid yihiin. 16. Asbaabta khamrada loo xaaraameeyay waxaa ka mid ah in ay dhexdhigto muslimiinta colaad iyo is nacayb, iyo in ay xuska Alle iyo salaadda dadka ka celiso, waxaana la xukun ah wax kasta oo isku dira dadka ama ka hor istaaga khayrka, sida: heesaha iyo muusikada, duullaan maskaxeedka lagu marinhabaabiyo muslimiinta iwm. 17. Waxaa kale oo shareecadu xaaraamaysay isticmaalka wax yar oo ka mid ah shay intiisa badan wax wareeriso, sida: kabbo khamro ah, taqsiin qaad ah iwm; si aan innaba caqliga loo dhaawicin. Axmed C/Samad alwaqaar@hotmail.com |
| Taariikhda www.ururshe.com lagu daabacatay:26 Aug 2008 | |