Fahmidda Manhajka waxbarasho ee UK

Fahmidda Manhajka waxbarasho ee UK


Manhajka Qaranku wuxuu jaan gooyaa marxaladaha iyo maadooyinka aasaasiga ah ee ilmahaaga la bari doono inta ay iskuulka joogaan. Manhajka Qaranka waa in la baraa caruurta da'doodu u dhaxayso 5 - 16 ee dhigta Iskuulaadka la dhaqaaleeyo (Maintained Schools) ama kuwa dawladda (state schools)


Manhajka Qaranka iyo Waxyaalaha uu jaan-goynayo


Manhajka Qaranku waa tilmaamo-shaqeed ay isticmaalaan iskuulada la caawiyo oo dhami si loo hubiyo in waxbaridda iyo waxbarashadu ay yihiin kuwo isu dheeli tiran oo si joogta ah isula socon kara.


Wuxuu jaan gooyaa:


  • Maadooyinka la dhigo

  • Cilmiga, xirfadaha iyo heerka fahamka ee maaddo kasta

  • Qaabka la sargooyay ee loo wadayo ama yoolalka la tiigsanayo ee maaddo kasta. Macalimiintu waxay cabiri karaan (qiyaasi karaan) heer kor u socodka cunugaaga iyagoo adeegsanaya qaababka la sargooyay iyo yoolalka la tiigsanayo ee maaddo kasta si ay u sii takhdiidiyaan tillaabada xigta ee waxbarashada cunugaas.

  • Sida loo qiimeeyo heer kor u socodka cunuga iyo sida warbixin looga diyaariyo


Iyagoon ka bixintilmaamo shaqeedyadaas Manhajka Qaranka, iskuuladu xor ayay u yihiin in ay takhdiidiyaan ayna u habeeyaan waxbaridda iyo waxbarashada sida ugu haboon ee u qalanta baahida ardaydooda.


Iskuulo badani waxay isticmaalaan nidaam shaqeedyada Maamulka Shahaado-gaaridda iyo Manhajka (Qualifications and Curriculum Authority (QCA)) si ay u habeeyaan manhajka iskuulkooda. Nidaam shaqeedyada Maamulkaani waxay sahlaan u badalidda danaha Manhajka Qaranka iyo waxa uu higsanayo, hawlo waxbarid iyo kuwo waxbarasheedba.


Heerar waxbarasheedka Manhajka Qaranka


Manhaj Qarameedka waxaa loo habeeyay si kala qaybqayb ah oo la yiraahdo ‘Heer waxbarasheed(key Stage)’ kuwaas oo kala ah Afar heer iyo mid biloow ah ‘Foundation Stage’, heerkaan bilowga ahi wuxuu daboolayaa waxbarashada aan wali gaarin heerka waxbarashada khasabka ah ee lagu bilaabo marka ilmuhu gaaro 5 sano (compulsory school age).


Manhaj Qarameedka















































































Da’da(Age)
Heerka waxbarasho(Stage)

Sanad dugsiyeedka

(Year)

Imtixaanada(Tests)
3-4 Heer biloow ah(Foundation)
4-5

Soo dhaweeye (Reception)

5-6

Heerka Waxbarasho ee 1aad (Key Stage 1)

Sanadka koowaad(Year 1)

6-7  

Sanadka labaad (Year 2)

Imtixaanada
Qaranka iyo Hawl maalmeedyo ah luqadda Ingiriiska iyo Xisaabta (National tests and tasks in English and maths)

7-8 Heerka Waxbarasho
ee 2aad (Key Stage 2)
Sanadka 3aad
(Year 3)
 
8-9   Sanadka 4aad
(Year 4)
 
9-10   Sanadka 5aad
(Year 5)
 
10-11   Sanadka 6aad
(Year 6)
Imtixaanada
Qaranka iyo Hawl maalmeedyo ah luqadda Ingiriiska,

Xisaabta iyo Sayniska(National tests in English, maths and science)
11-12 Heerka Waxbarasho
ee 3aad (Key Stage 3)
Sanadka 7aad
(Year 7)
 
12-13   Sanadka 8aad
(Year 8)
 
13-14   Sanadka 9aad
(Year 9)
Imtixaanada
Qaranka iyo Hawl maalmeedyo ah luqadda Ingiriiska,

Xisaabta iyo Sayniska (National tests in English, maths and science)
14-15 Heerka Waxbarasho
ee 4aad (Key Stage 4)
Sanadka 10aad
(Year 10)
Ilmaha qaar
baa qaata GCSE-yadooda(Some children take GCSEs)
15-16   Sanadka 11aad
(Year 11)

Ilmaha intooda
badani waxay qaataan GCSE-yadooda ama Shahaadooyin

Qarameedyo kale.(Most children take GCSEs or other national qualifications)


Qiimaynta kor u
socodka heerka waxbarashada (Measuring progress)


Barnaamijka
waxbarashada (Programmes of study)


Maadda kasta oo
Manhajka waxbarashada ee wadanka ka mid ihi waxay leedahay

Barnaamij waxbarasheed. Barnaamij waxbarasheedyadu waxay sharxaan

cilmiga maadada laga helayo, xirfadaha iyo heer fahanka laga rabo in

uu ardaygu ka helo heer waxbarasheed kasta (key stage).



Darajooyinka
Manhajka Qaranka (levels)


Barnaamij waxbarasheedyadu
waxay kaloo Cadeeyaan miisaanka higsi-gaaridda (scale of attainment) ee maadada dhexdeeda. Inta badan maadooyinka Heer Waxbarasheedyada 1aad, 2aad iyo 3aadba (Key Stage 1, 2, and 3 ), waxaa yool gaar-radooda loo qaybiyaa 8 heer darajo (eight levels), waxaana lagu sii daraa sharaxaadda “Wacdaro muujin gooni ah” (exceptional performance), waxaase laga soo reebaa maadada ‘maxaad xaq u leedahay maxaase lagugu leeyahay ka qof wadani ah’ (Citizenship), oo iyadu leh higsi gaaridyo ka duwan kuwa kale marka la joogo heer waxbarasheedka 3aad iyo 4aad.


Xawaara hormareedka Caruurtu wuu kala duwan yahay, waxaase Manhaj Qarameedku ku siin karaa fikrad ku saabsan sida kor u socodka cunugaagu ugu dhigmo heerka u qalma da’diisa. Tusaale ahaan dhamaadka heer waxbarasheedka koowaad, inta badan caruurtu waa inay gaareen heer darajeedka labaad (level 2), dhamaadka heer waxbarasheedka labaadna (stage 2) intooda badani waxay gaareen heer darajaadka 4aad (level 4).


Ilmahaaga iskuulkooda ayaa kuu soo diraya warbixin ku saabsan cunugaaga oo kuu sheegaysa heerarka Manhajka qaranka ee uu cunugaagu gaaray mar kasta oo qiimayn nidaameed la sameeyo.


Qiimaynta Macalinka


Ilmahaaga Macalinkoodu wuxuu hubin iyo dhabbagal joogto ah ku samayn doonaa sida maado kasta uu yahay heerka ilmahaaga ee kor u socod, taasoo ka qayb ah hawlaha caadiga ah ee macalinnimadooda. Dhamaadka heer waxbarasheedka koowaad labaad iyo sadixaadna (stage 1,2 and 3) waxay samayn doonaan “Qiimayn macallin” (teacher assessment”, taasoo muujinaysa heer-darajeedka Manhajka Qaranka ee ugu haboon marka laga eego sida uu cunugaagu wax uga bartay dhinac kasta oo ka mid ah qaybaha waxbarashada.


Imtixaanada
‘dhamaadka heer waxbarasheedyada’ (End of key stage)


Marka la joogoheer waxbarasheedka koowaad, qiimaynta macallimku ku sameeyay cunugaaga ayaa loo tix galinayaa in badan oo ka mida hawl-maalmeedyada iyo imtixaanada maadooyinka Ingiriiska iyo Xisaabtaba.


Dhamaadka heer waxbarasheedka 2aad iyo 3aadse wuxuu cunugaagu ku khasban yahay inuu ka qayb galo imtixaanada wadaniga ah ee maadooyinka Ingiriiska,Xisaabta iyo Sayniska (Dhamaadka heer waxbarasheedka 4aad waxay siday u badan tahay u fariisan doonaan imtixaanada GCSEyada iyo/ama shahaadooyinka u dhigma).


Imtixaanadu sidoodaba sawir guud kaa siin maayaan sida uu cunugaagu ku yahay waxbarashada iskuulka, waxayse “milicsi yar” kaa siinayaan sida uu ku ahaa cunugaagu qaybo laga soo doortay maaddo, maalin mucayyan ah. Laakiin iskuuladu waxay u isticmaali karaan natiijooyinka imtixaanada sidii qiimayn madax banaan oo lagu sameeyay sida ay iskuulada iyo ardaydoodu ku yihiin nidaamkii loo jaangooyay waxbarashada wadanka oo dhan.


Website-yo Muhiim ah

  • Waxbarashada sanadaha hore ee laga bilaabo sadix ilaa shan: muxuu ilmahaagu baran doonaa ( http://www.direct.gov.uk/en/Parents/Preschooldevelopmentandlearning/NurseriesPlaygroupsReceptionClasses/DG_10013537 )
  • Manhajka qaranka ee Shan ilaa 11 sano jir ( http://www.direct.gov.uk/en/Parents/Schoolslearninganddevelopment/ExamsTestsAndTheCurriculum/DG_4015959 )
  • Manhajka qaranka ee Shan ilaa 16 sano jir ( http://www.direct.gov.uk/en/Parents/Schoolslearninganddevelopment/ExamsTestsAndTheCurriculum/DG_4015959 )

  • Fiiri Barnaamij waxbarasheedka iyo yoolalka waxbarasheed ee la higsanayo ee Manhajka Qaranka. ( http://www.direct.gov.uk/en/Parents/Schoolslearninganddevelopment/ExamsTestsAndTheCurriculum/DG_10013877 )
  • Manhaj Qarameedka Qiimaynta Macallinku ardayga qiimeeyo iyo imtixaanada marxaladaha waxbarashada (key stage) ( http://www.direct.gov.uk/en/Parents/Schoolslearninganddevelopment/ExamsTestsAndTheCurriculum/DG_10013041 )
  • Wax ka sii ogow Manhajka Dugsiga Sare ee cusub lana bilaabi doono September 2008 ( http://www.direct.gov.uk/en/Parents/Schoolslearninganddevelopment/ExamsTestsAndTheCurriculum/DG_10013041 )


  • Halkaan ka sii akhri Manhajka Qaranka (National Curriculum) ( http://www.parentscentre.gov.uk/educationandlearning/whatchildrenlearn/curriculumandassessment/thenationalcurriculum/ )


  • Wax ka sii ogoow Maamulka Shahaado-gaaridda iyo Manhajka (qualifications and curriculum) ( http://www.qca.org.uk/ )



Source:
http://www.direct.gov.uk/en/EducationAndLearning/Schools/ExamsTestsAndTheCurriculum/DG_4016665 ( http://http://www.direct.gov.uk/en/EducationAndLearning/Schools/ExamsTestsAndTheCurriculum/DG_4016665 )



«Ra'yiga qoraalku ma tusayo kan Ururshe.com, Waxaana mas'uul ka ah qoraaga ku qoran.»
Cinwaanka qoraalkan: «Fahmidda Manhajka waxbarasho ee UK» Taariikhda www.ururshe.com lagu daabacatay:27 Jan 2008