« January 2010
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
 
Wararkii ugu danbeeyay

Nin Alle kafiil ka dhigtay (qisadii 10 aad)

Date: 10 Oct 2007 / Author: maamule / Category: diini, Qisooyin, maqaal, dhamaan / Views: 806

Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW) xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday qaar reer Banii Israa’iil ah in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, markasuu yiri: Alle ayaa markhaati ku filan, markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku jawaabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, kunkiina wuu siiyay, muddo go’anna waa u qabtay. Ninkii wuxuu ku safray badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay markab uu soo fuulo oo uu waqtigii loo qabtay ku soo galo, mana helin markab, markaas ayuu qaatay qori, wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay kun Diinaar iyo warqad isaga ka socota oo ku socota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda ayuuna la yimid. Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun Diinaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raalli noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday. Waxaan ku dadaalay in aan helo markab aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay markab uu ku aado ninkii baladkiisii. Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo eegaya inuu markab xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii maalku ku jiray, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaatay ciddiisii, markii uu miinshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii.

Muddo ka dib ayuu soo galay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Diinaar, wuxuuna yiri: Wallaahi intaas waxaan ku dadaalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Markaasuu ku yiri: waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: waxaan kuu sheegayaa in aanan helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan).

Faa’iidooyinka qisada:
1.In dad saalixiin ah oo Ilaahay ka cabsada ay ku jireen ummadihii hore. Labada nin midkood dadka ayuu wax qardayn jiray isaga oo ajar Ilaahay kaga raadinaya, kalsoonida uu Alle ku qabo iyo weynaynta uu weynaynayana waxay gaarsiisay in uu Alle markhaatigiisa iyo kafiilnimadiisa (damiin) ku qanco. Kan kalena Rabbigiis ayuu ku amaanaystay xoolihii; si uu u gaarsiiyo ninkii ku lahaa.

2.In ay banaantahay in wax la daynsado ama la qardaysto. Nabigu (scw) wuxuu yiri: Qofkii qaata dadka xoolohooda isagoo doonaya in uu iska gudo Alle ayaa ka guda, kii qaata isagoo raba inuu lunsadana Alle ayaa lumiya (talfiya).

3.In ganacsiga diintu jidaysay, ummadihii horena ay ku dhaqmi jireen iyo in ganacsiga wax loo amaahan karo qofkii u arka in uu iska gudi karo.

4.In ay bannaantahay in qofkii wax la qardeeyo loo qabto muddo, ayna waajib ku tahay kan wax la qardeeyay in uu muddadaas ku baxsho. Nabigu (scw) wuxuu yiri: Meermeerinta uu sameeyo qofka maalqabeenka ah waa dulmi.

5.In laga sheekeeyo waxyaabaha la yaabka leh ee ummadihii hore ka dhacay ama ku dhacay; si loogu daydo ama loogu cibro qaato.

6.In lagu ganacsado, lana fuulo badda korkeeda.

7.In qofka wax la qardaynayo laga dalbado markhaanti iyo kafiil soo guda haddii uu bixin waayo ama fakado.

8.In qofka warqad diraya uu magiciisa ku bilaabo, qofka ay ku socotana la dambaysiiyo. (riwaayadaha xadiiska qaar ayaa sheegay in uu warqadda ku qoray: ka: Hebel, ku: hebel).

9.Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa.

10.In ay qofka u banaantahay qaadashada wixii aan qiimo weyn lahayn oo baddu soo tuurto isaga oo aan naadin (yaboohin).

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Source: Beerdhiga.com

Afeef:

Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.

RSS
(la soco isbadalada)
Print
(daabaco Maqaalkan)



. RSS Waxay qaadatay 0.1079 ilbiriqsi. 
Codsiyada kaydka: 6


 
Maamulka  
Gal booskaaga
Soo dir fayl
 
Maxaa Cusub  
Xayaysiiso  

affiliate_link

visit this site

Design ©        www.ururshe.com