Daruur lagu amray in ay waraabiso nin saalix ah beertiis (Qisadii 13aad)
Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in uu Nabigu (scw) yiri: iyada oo nin ku sugan yahay dhul bannaan ayuu daruur ka dhexmaqlay cod dhahaya: waraabi beerta hebel, markaas ayaa daruurtii yara leexatay oo biyeheedii ku shubtay (meel) shiila madaw ah, markiiba biyihii oo dhan waxaa koobay biyo mareen ka mid ah biyo mareenada, markaas ayaa ninkii dabagalay biyihii (qulqulkoodii), markaas ayuu ku soo baxay nin dhextaagan beertiisii oo biyaha ku leexsanaya majarafad, markaas ayuu ku yiri: addoonka Allow magacaa?, markaas ayuu yiri: hebel oo ah magacii uu daruurta ka dhexmaqlay.
Markaas ayuu ku yiri (isna): addoonka Alloow maxaad magacayga ii weydiisay?, markaas ayuu yiri: waxaan ka dhexmaqlay daruurtii biyahaan lahayd cod oranaya: waraabi beerta hebel oo ah magacaagan ee maxaad ku samaysaa (beerta)?. Wuxuu yiri: haddaad saas tiri anigu waan eegaa waxa ka soo baxa (beerta): (sadix dalool oo)hal dalool (thuluth) waan sadaqaystaa, aniga iyo ilmahayguna dalool ayaan cunnaa, daloolna waan ku celiyaa (beerta oo dib ayaan ugu beeraa).
Faa’iidooyinka qisada:1.Ilaahay in uu ilaaliyo oo xifdiyo addoomadiisa wanwanaagsan ee ku toosan amarkiisa, sida uu u amray daruurta in ay waraabiso beerta ninkaan wanaagsan ee sadaqaysta hal dalool oo ka mid ah waxa u soo go’a.
2.Ilaahay addoonkii uu ka raalli noqdo wuxuu u sakhiraa khalqigiisa (cir, dhul iwm), sida Ilaahay u amray daruurtaani inay waraabiso ninkaan beertiisa, sidoo kale biya mareenku wuxuu koobay biyihii, ka dibna wuxuu u shubay dhankii ninka beertiisu ka jirtay.
3.In ay wanaagsan tahay in la baaro sababta keentay dhacdooyinka la yaabka leh ee lala kulmo sida ninkaani u raadiyay sababta ninkaan beertiisa loo waraabiyay, taas oo keenaysa in lagu daydo.
4.Ilaahay wuu jecel yahay addoonka ay isu dheellitiran yihiin arrimihiisu ee siiya cid kasta oo xaq ku leh xaqeeda, sida ninkaniba uu isugu dheellitiray xaqa naftiisa iyo ahalkiisa, xaqa masaakiinta iyo tacabkiisii adduunyo ee aanu dhinac ugu dheelliyin.
5.Qiimaha shaqadu leedahay, Ilaahay wuu waariyay ninkaan sharaftiisa, shaqadiisa iyo sadaqadiisa awgeed, mana aha ninka wanaagsani kan cibaado uun u go’a ee ka taga shaqo oo dhan, isla markaana dayaca ahalkiisa ama dadkaba ku noqda dulsaar. Nabigeenu (scw) wuxuu ku amaanay nabi Daawuud in uu cuni jiray wuxuu gacantiisa ku shaqaysto.
6.In la isku boorriyo shaqada iyo sadaqada. Nabigeenu (scw) wuxuu yiri: in ninkiin qaato xargihiisa oo uu soo xaabaysto oo uu soo qaato xirmo xaabo ah ayaa uga khayr badan in uu dadka wax weydiisto ha siiyeen ama ha u diideene. Haddaba waa in aynu ka fogaano dawarsiga, gaar ahaan kan diinta loogu gabbado iyo kan maldahan ee loo baxshay shaxaad oo ay ku qaraabtaan dad badan oo loo hanweynyahay!!.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Source: Beerdhiga.com
Afeef:
|
Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.
|