« January 2010
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
 
Wararkii ugu danbeeyay

Nabi Suleymaan oo boqol xaas u galmooday (Qisadii 7aad)

Date: 25 Aug 2007 / Author: maamule / Category: diini, Qisooyin, maqaal, jaaliyadda, dhamaan / Views: 1332

Bukhaari iyo Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hurayra in Nabigu (SCW) yiri: (Suleymaan Ibnu Daawuud wuxuu yiri: Wallee caawa waxaan isu marayaa todobaatan xaas oo mid waliba qaaddo wiil fardooley ah oo jidka Ilaahay ku jihaada. Saaxiibki ayaa markaa yiri: In shaa’ Allaahu, mana oran (Suleymaan). Dumarkii wax uur ah may qaadin, hal mid oo dhashay ilmo jeex ah mooyee). Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (haddii uu oran lahaa In shaa’ Allaah way wada jihaadi lahaayeen). Riwaayadaha xadiiska qaar ayaa sheegay sagaashan xaas, qaarna sagaal iyo sagaashan, qaar kalena boqol. Riwaayadaha qaar ayaa caddeeyay in cidda ku tiri Nabi Suleymaan In shaa’ Allaahu dheh uu yahay malak, mana uu oran oo wuu hilmaamay. Xaasaskii wuu isu wada maray, mana ay dhalin hal xaas oo qof barki dhashay mooyee. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: Haddii uu Nabi Suleymaan oran lahaa in shaa’ Allaah ma dambaabeen, dantiisana saas ayaa u rajo badnayd).

Faa’iidooyinka Qisada ku jira:

1.Nabi Suleymaan wuxuu ka mid ahaa boqorada mujaahidiinta ah, Allena siiyay boqortooyo weyn, uuna u sakhiray insiga, jinniga, shimbiraha iyo dabaysha. Sida uu u jeclaa jihaadka waxaa tusaya: a) sida uu fardaha xoogga u saari jiray, sida uu ugu dadaali jiray ciidankiisa, looguna soo bandhigi jiray ilaa uu gaaray heer uu tabo hal shimbir (Hud-hud) oo ka maqnaaday. b) sida uu ugu mamanaa jihaadka waxaa kale oo tusaya inuu ku dhaartay in uu caawa u galmoodo boqol ama in ku dhaw oo xaasaskiisa ka mid ah, mid walbana ay dhali doonto wiil fardooley ah oo jidka Ilaahay ku jihaada.

2.Muslimiintu intay jihaadka galaan iyagu ayay haddana waxay u halgami jireen sidii ay u dhali lahaayeen jiilkii mustaqbalka sii wadi lahaa.

3. Jihaadku waa meeshii ugu sarraysay islaamka, qofkii ku shahiidana wuxuu u shafeecayaa todobaatan ahalkiisa ah; sidaa darteed ayay waalidiinta wanaagsani ku dadaali jireen in ilmohooda darajadaas gaaraan, iyaguna ay uga helaan ajar iyo shafeeco.

4.Dhallinyarada gaartay guurka rag iyo dumarba, isla markaana heli kara wax ay ku dhistaan waa inay guursadaan. Guurkooda in ay ku xiraan shuruud waxay seejinaysaa ajar weyn oo joogto ah, ummaddana waxay ka beerdaraynayaan ubad qiima leh oo meel weyn u gali lahaa. Dhallinyaradu waa inay ogaadaan in aysan ummadda wax weyn u tarayn nooca sariirta ay ku seexdaan iyo kharashka ku baxay arooskooda ee waxa Nabigeennu (SCW) ku faanayo, muslimiintuna ka faa’iidayaan waa ubadkooda. Maxay idin la tahay inanka ama inanta guurgalka ah oo 35-45 sano ku gaaraya doobnimo iyagoon tabari u diidin guurka?!!.

5.Ilmuhu waxay badanaa noqdaan sida loo tarbiyeeyo. Nabi Suleymaan wuxuu ka rabaa ubadkiisa in uu ka dhigo mujaahidiin fardooley ah. Haddaba ubadka waa in looga sii waramo waxa laga rabo mustaqbalka, laguna tarbiyeeyo; si ay nafsiyan iyo fikriyanba ugu sii diyaargaroobaan.

6.Qisadu waxay tusaysaa sida dadka saalixiinta ahi u jeclaayeen inay dhalaan ubad suuban oo jidka Alle ku jihaada, sida uu Nabi Suleymaan u jeclaystay in uu dhalo tiradaa badan ee ilmaha ah.

7.In marka la guursanayo ama xaaska loo galmoonayo loo niyaysto in ubad suuban laga helo oo diinta Alle koryeela; si qofku ajar uga helo ficilkiisa ama Alle uu ugu qaado niyadiisa wanaagsan, illeyn ilmo Alle darti loo dhalay iyo ilmo aad hadhaw wax ku dulmidid loo dhalay isku mid ma ahee. Imaam Bukhaari wuxuu kitaabkiisa Saxiixa ku daray baab uu ku magacaabay: Ninkii ilmo u dalba jihaad darti, wuxuuna wariyay xadiiskaan.

8. Nabigeennu (SCW) wuxuu xadiis kale ku sheegay in ninkii xaaskiisa u galmooda ay sadaqo u tahay. Wuxuu kale oo yiri: wixii sadaqo ah oo aad Alle wajigiisa ku dalbaysid ajar ayaa lagaa siin, waxa aad xaaskaaga afka u galisidba ha ahaatee. Arrintaas waxay culimadu u daliishadeen in samaynta walxaha bannaan ajar laga helayo haddii Ilaahay darti loola yimaado ama wax diintu ku amartay loo kaashanayo.

9. Waxaa sunno ah in ninkii xaaskiisa u tagaya uu niyaysto inuu ubad suuban dhalo, sida Suleymaan yeelayba. Tan kale waa in uu Alle ka baryo in uu shaydaanka ka dheereeyo iyaga iyo ilmaha Alle siiyaba. Haddii Alle ilmo siiyana waa inuu ugu duceeyo inay saalixiin noqdaan, Rabbina shirkiga ka fogeeyo.

10. Guurka diintu waxay u jidaysay in lagu xaqiijiyo ahdaaf waaweyn oo la’aanteed aanu qiimo yeelanayn. Waxaa ka mid ah: a) In lagu helo ubad wanaagsan oo diinta, waalidka iyo ummaddaba anfaca, isla markaana uu u sii baaqi ahaado banii Aadamku. Nabigeennu (SCW) wuu ku booriyay ummaddiisa in ay guursadaan; si uu ummadaha kale uga dad bato aakhiro. b) In qofku naftiisa kaga ilaaliyo waxa Alle ka xaaraameeyay. c) In qofku ka haqab beelo baahidiisa jinsiga ah d) in uu ku helo deganaansho nafsi ah. e) in lagu abuuro cilaaqaad bulsho oo dadka isku xira (xidid iyo xigaalo). f) In labada qof ee isu dhaxa ay is dhammastiraan (midba kan kale waxa ka dhiman ku biiriyo).

11. Waxaa u bannaan qofka in uu ka waramo waxa uu filayo mustaqbalka inay dhacayaan, uuna ku dhaarto sida Suleymaan yeelay, waxaase saaran in uu ku xiro arrinta doonista Ilaahay oo uu dhoho In shaa’ Allaah. Qofkii ku dhaarta wax mustaqbal ah, isla markaana dhaha: In shaa’ Allaah ma dambaabayo.

12.Malaa’igtu waxay addoomada xusuusiyaan khayrka, wayna ku booriyaan, halka shayaadiintu sharka xusuusiyaan, kuna booriyaan.

13. Nabiyaasha iyo dadka wanaagsan sarbeeb ayay u isticmaalaan waxyaabaha laga xishoodo, sida nabi Suleymaan u yiri: wallee caawa waxaan ku soo wareegayaa boqol xaas. Si qayaxan uma sheegin waxa uu samaynayo.

14.Shareecadii Nabi Muuse waxaa ku bannaanayd in ninku guursado dumar aad u farabadan, shareecada islaamkuse ma ogola afar ka badan.

15. Xadiisku wuxuu tusayaa in ay u bannaan tahay ninkii xaasas badan leh in uu hal habeen isu maro, waana arrin Rasuulkeennu (SCW) sameeyay.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Source: Beerdhiga.com

Afeef:

Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.

RSS
(la soco isbadalada)
Print
(daabaco Maqaalkan)



. RSS Waxay qaadatay 0.14238 ilbiriqsi. 
Codsiyada kaydka: 6


 
Maamulka  
Gal booskaaga
Soo dir fayl
 
Maxaa Cusub  
Xayaysiiso  

affiliate_link

visit this site

Design ©        www.ururshe.com