« January 2010
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
 
Wararkii ugu danbeeyay

Wadaad caabid ah oo habaarkii hooyadiis haleelay! (qisadii 8aad)

Date: 25 Sep 2007 / Author: maamule / Category: diini, Qisooyin, maqaal, jaaliyadda, dhamaan / Views: 1410

Bukhari ayaa ka wariyay Abuu Hurayra in uu Nabigu (scw) yiri: (kuma hadlin dharabta (xoolka) seddex mooyee: (Nabi) Ciise, reer Banii Israa’iil waxaa ka mid ahaa nin la yiraahdo Jurayj. Wuu tukanayay, markaas ayay u timid hooyadi, wayna u dhawaaqday, markaas ayuu is yiri: ma ajiibaa mise waa tukadaa?, markaas ayay tiri: Ilaahoow ha dilin ilaa aad tustid wajiyada muumisaadka (dumarka sida bareerka ah u sinaysta). Jurayj oo Sowmacadiisa (meel dhisan oo dhanka sare ka dhuuban oo Nasaaradu ku cibaadaystaan) ku sugan ayay naag isu bandhigtay, wayna la hadashay, isna waa ka diiday, markaas ayay isu dhiibtay qawsaar, waxayna dhashay wiil, waxayna tiri: waxaa dhalay Jurayj. Way u yimaadeen (isagii), waxayna ka dumiyeen Sowmacadiisii, wayna soo dajiyeen, waana caayeen, markaas ayuu weesaystay oo tukaday, ka dibna wuxuu u yimid wiilkii, wuxuuna ku yiri: waa kuma aabbahaa wiiloow?, markaas ayuu yiri: waa qawsaarka.Waxay yiraahdeen: Sawmacadaada waxaan ka dhisaynaa dahab. Wuxuu yiri: maya waxaan dhoobo ahayn.

Muslim ayaa Abuu Hureyra ka wariyay in uu yiri: Jurayj Sowmacad ayuu ku cibaadaysan jiray, markaas ayay hooyadi u timid. Nabigu (scw) wuxuu u sifeeyay asxaabta sidii ay gacanta u saartay sunniyeheeda oo ay madaxa kor ugu qaaday iyadoo u yeeraysa oo dhahaysa: Jurayjoow hooyadaa ayaan ahaye ila hadal, waxayse ku soo aadday isagoo tukanaya, markaas ayuu is yiri: Alloow salaaddayda iyo hooyaday?, wuxuuna doortay salaaddiisii, wayna iska noqotay. Ka dib markii labaad ayay soo noqotay, waxayna tiri: Jurayjoow hooyadaa ayaan ahaye ila hadal, wuxuu ku talamay: Alloow hooyaday iyo salaadayda?, wuxuuna doortay salaaddisii, markaas ayay tiri: Alloow kani waa Jurayj waana wiilkaygii, waan la hadlay, in uu ila hadlana waa diiday ee Alloow ha dilin adiga oo aan tusin muumisaadka. Wuxuu yiri Nabigu (scw): hadday ku habaari lahayd in lagu fitneeyo waa lagu fitnayn lahaa.

Riwaayd kale oo muslim wariyay waxay sheegtay: in reer Banii Israa’iil ka sheekaysteen Jurayj iyo cibaadadiisa, waxaana jirtay naag saaniyad ah oo quruxdeeda lagu maahmaaho, waxayna tiri: haddii aad doonaysaan aniga ayaa idiin fitnaynaya. Wuxuu yiri Nabigu (scw): way u banbaxday, mase uu milicsan, markaas ayay u timid qawsaar u hoyan jiray sowmacada Jurayj … waxay dumiyeen sawmacadiisii, wayna garaaceen, markaas ayuu yiri: war maxaa jira?, waxay dheheen: waxaad ka sinaysatay saaniyadaan, wayna kuu dhashay. Wuxuu yiri: mee cunugii?, markaas ayay keeneen. Wuxuu yiri: I daaya aan tukadee, wuu tukaday, markii uu ka soo jeestay ayuu cunugii u yimid, wuxuuna ka duray (muday) caloosha, wuxuuna yiri: wiiloow waa kuma aabbahaa?. Wuxuu yiri: waa hebelka qawsaarka ah. Waxay ku soo jeesteen Jurayj iyaga oo dhunkanaya oo isku masaxaya.

Faa’iidooyinka xadiiska:

1. Booqashada dadka wanwanaagsan waa sunno, ilmaha suuban ee khayrka ka shaqeeya in la booqdo oo la dhiirrigaliyana way wanaagsan tahay, sida hooyadaani yeeshay.
2. Waajibnimada in waalidka baarri loo noqdo, loona dhaganuglaado iyo in Ilaahay aqbalo ducada iyo habaarka waalidku ilmihiisa ku rido, sida ku cad xadiiska: (hadday ku habaari lahayd in lagu fitneeyo (naagta xun) waa lagu fitnayn lahaa). Waxaa kale oo ku cad xadiiska khatarta ay leedahay in lagu madax adaygo waalidka iyo masiibada ka imaan karta, sida ku dhacday ninkaan saalixa ah.
3. In ay waajib tahay in qofku salaadda sunnaha ah joojiyo haddii waalidiintiis ugu yeeraan wax aan macsiyo Alle ahayn. Xadiisku wuxuu muujinayaa in Jurayj uu ku dambaabay ajiibis la’aantii hooyadi.
4. In dadka wax lagu fahamsiiyo jilista cidda laga warbixinayo, sida Nabigu (scw) u jilay Jurayj hooyadi jeedaaladeedii, waana waxa loo yaqaan (hababka iyo tabaha waxbarista).
5. Acmaasha saalixa ah way kala muhiimsan tahay oo haddii aan la isku qaban Karin waxaa la fuliyaa kan waajibka ah, sunnhahana waa laga tagaa. Haddii ay yihiin labo waajib ama labo sunne oo aan la isku qaban karinna waxaa lagu dhaqaaqaa kan muhiimsan. Waxaa taa la mid ah haddii labo dhibaato (mafsada) kulmaan oo aan laga wada tagi Karin waxaa lagu dhacaa tan fudud, tusaale ahaan: haddii ay khasab noqoto in aad gaariga jiirsiisid dad ama xoolo waxaa waajib ah in aad xoolaha jiirtid, waase la magayaa xoolahaas.
6. Dambiilayaashu waxay jecelyihiin in lala soo galo xumaanta ay ku dhexjiraan; si loola yeesho tilmaanta xun ee kaligood ku gaarka ah. Eeg hadalka naagtan xun: (haddaad doontaan waan idiin fitnaynayaa), waliba way u banbaxday say u fitnayn lahayd, wayna ka dalbatay in uu xumaan ku sameeyo, waxayna u adeegsatay quruxdeedii iyo codkeediiba!. Qolo kasta oo dhaqan xun wadata waxay si gaar ah u colaadisaa dadka xumaantooda ka hufan. Qowmkii Nabi Luud waxay dheheen: (Reer Luud ka saara magaaladiina, maxaa yeelay waa qolo is daahirinaysa), waxay uga jeedaan: ficilkeena xun ee rag u tagista ah ayay diidan yihiin ee inaga saara!!.
7. Dadka xun xun waxay isku dayaan saman kasta in ay dhaleeceeyaan dadka wanwanaagsan, kagana ciyaaraan sumcadda; si kalsoonida loo hayo loo dhaawaco, bulshadana looga hor istaago in ay ka faa’iidaysato cilmigooda iyo xikmadooda. Si ay arrintaa u xaqiijiyaanna waxay u adeegsadaan tabo farabadan oo been abuurku ka mid yahay, sida saaniyadaaniba ugu been abuuratay Jurayj.
8. Ilaahay wuxuu ku badbaadiyaa addoonka wanaagiisa iyo Alle ka cabsigiisa, sida uu Jurayj uga samatabixiyay fitnadii naagtu la rabtay, ugana bariyeelay been abuurkii lagu ganay. Waxaa taa la mid ah qisadii Nabi Yuusuf oo haweenaydu xumaanta ugu yeeratay, Allena ka leexiyay makrigeeda, markii ay masabidatayna uu ka bariyeelay been abuurkeedii.
9. Xumaanta iyo ehelkeeda in aan la milicsan oo aan dhag jalaq loo siin waxay ka qeyb qaadataa sidii looga badbaadi lahaa fitnadooda. Jurayj ma eegin naagtii xumayd ee salaaddiisa iyo cibaadadiisa ayuu iska sii watay. Waxaa laga yaabaa haddii aad la sii wadid hadalka oo aad qanci is tiraahid in adiga lagu qanciyo. Haddaba waa in albaabada xumaanta la iska xiro, islaamkuna wuxuu mamnuucay wax kasta oo muslimka gaarsiin kara xumaan.
10. Alle wuxuu karaa in uu ka hadliyo cid aan hadal lagu ogayn, sidii uu doonana u difaaco addoomadiisa saalixiinta ah, sida uu uga hadliyay cunugaan yar, Jurayjna ugu bariyeelay hadalkiisa.
11.Ilaahay wuxuu siiyaa addoomadiisa wanaagsan yaqiin, sugnaansho iyo male wacan oo ay Rabbigood ku qabaan, taas oo keenta in ay si geesinimo iyo degaansho leh uga hortgaan culaysyo aad u waaweyn, sida Jurayjba yeelay.
12.Weesadu way u jidaysnayd ummadihii hore, Jurayj wuu weesaystay, waana tukaday, ka dibna cunugii ayuu caloosh ka gujiyay, lana hadlay.
11. Dadka wanwanaagsan caadadoodu waa inay salaadda u cararaan markii kurbo iyo dhib ay la kulmaan, waana sidii Rasuulkeennu (scw) yeeli jiray.
12. Qofka wanaagsan markii la imtixaano oo uu ku najaxo (gudbo) imtixaanka waa la sii jeclaadaa, laguna sii kalsoonaadaa, sida dadkii magaaladu ugu sii kalsoonaadeen Jurayj.
13. Xadiisku wuxuu sugayaa karaamada awliyada oo ah kuwa Alle rumeeyay, kana cabsada, taas oo ka soocaysa falalka sixiroolayaasha, curraafaystayaasha iyo indhasarcaadkooda.
14. Ma bannaana in la rumaysto tuhmada iyada oo aan markhaanti ama caddayn kale loo hayn, gaar ahaan haddii dadka warka keenay yihiin kuwa xun xun ama ay yihiin kuwa la tuhmayo dad lagu yaqaan wanaag iyo toosnaan, Ilaahayna wuxuu mu’miniinta ku amray in ay iska hubsadaan haddii faasiq war u keeno. Haddii kale way qoomamaynayaan sida ku dhacday qoladii Jurayj soo weerartay.
15. Qofka muslimka ah waxaa habboon in uusan isku mashquulin dabagalka dicaayadaha iyo dulmiga loo gaystay ee haddii Alle sharkooda ka qabto waa in uu cibaadadiisa iyo dantiisa ka raacdo, sida Jurayj u fuulay Sowmacadiisa markii dib loogu dhisay ee uusan hadal kale isugu lurin.
16. Dadka wanwanaagsan wax u gaysan mayso dicaayadda iyo dhagarta loo maleegayo haddii ay sabraan oo Alle ka baqaan, waliba waxaa ugu siyaadaysa ugu dambaynta darajo iyo sumcad, Ilaahayna wuu kashifaa ceebta dadka aflagaadeeya addoomadiisa suusuuban.


Axmad C/samad
Alwaqaar@hotmail.com


Source: Beerdhiga.com

Afeef:

Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.

RSS
(la soco isbadalada)
Print
(daabaco Maqaalkan)



. RSS Waxay qaadatay 0.08089 ilbiriqsi. 
Codsiyada kaydka: 6


 
Maamulka  
Gal booskaaga
Soo dir fayl
 
Maxaa Cusub  
Xayaysiiso  

affiliate_link

visit this site

Design ©        www.ururshe.com