« January 2010
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
 
Wararkii ugu danbeeyay

Nin naar ku galay walaalki oo uu ku yiri wallaahi in aan Ilaahay kuu dambi dhaafayn! (qisadii 9aad)

Date: 29 Sep 2007 / Author: maamule / Category: diini, Qisooyin, maqaal, jaaliyadda, dhamaan / Views: 546

Muslim ayaa ka wariyay Jundub in uu Nabigu (scw) ka sheekeeyay nin yiri: (wallaahi in aan Alle u dhaafayn hebel, Ilaahayna wuxuu yiri: (waa kuma kan igu dhaartay in aanan hebel u dhaafayn, waan u dhaafay hebel, adigana camalkaagii waan buriyay).

Abuu Daawuud ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabiga (scw) waxaan ka maqlay: (Labo nin oo reer Banii Israa’iil ah ayaa walaalo ahaa, midkood waa dambaabi jiray, kan kalena cibaadada ayuu ku dadaali jiray. Kan cibaadada ku dadaala wuxuu arki jiray kan kale oo dambi ku jira, wuxuuna ku oran jiray: ka joog. Markaas ayuu helay maalin isaga oo dambi ku jira, markaas ayuu yiri: ka joog, markaas ayuu ku yiri: isu kaaya daa aniga iyo Rabbigay, ma ilaaliye ayaa la iiga kaa dhigay?.

Markaas ayuu yiri: wallaahi in aan Ilaahay kuu dhaafayn ama uusan jannada ku galinayn. (Alle) ayaa labadoodii nafta ka qaaday, markaas ayay ku kulmeen Alle agtiisa, markaas ayuu (Alle) ku yiri kii dadaali jiray: ma aniga ayaad I ogayd? mise waxa gacantayda ku jira ayaad awooddaa (in aad diidid)?. Kii dambiilaha ahaana wuxuu ku yiri: orod oo jannada ku gal naxariistayda, kii kalena wuxuu ku yiri: naarta geeya!.

Abuu Hureyra ayaa yiri: Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye wuxuu ku hadlay kalimad halaagtay adduunyadiisa iyo aakhiradiisa.

Faa’iidooyinka xadiiska:
1. Walaalnimada diineed waxay keenaysaa in wanaagga la is faro, xumahana la iska reebo. Qofka la faro wanaag ama laga reebo xumaan isna waxaa saarann in uu aqbalo.

2. In Ilaahay laga sheego wax aan aqoon loo lahayn waxay ka mid tahay dambiyada kabaa’irta ah ee Alle caro galisa, waxaana ka mid ah hadalka ninkaan ee ah (wallaahi in aan Alle u dhaafayn hebel); maxaa yeelay Alle raxmadiisu waa waasic, qofkii uu doono ayuu u dambi dhaafaa, qofkii uu doonana wuu cadaabaa, qofkii uu doono wuu hanuuniyaa, kii uu doonana wuu baadiyeeyaa, wixii uu doono ayuu falaa, lama weydiiyo waxa uu sameeyo ee addoomada ayaa la weydiiyaa waxay faleen. Alle wax cajsi galin kara ma jiraan, waxa uu qadarayna waa ina ka qarsoon yihiin oo ma ogin cidda uu u dambi dhaafi doono iyo cidda uu ciqaabi doono midna.

3. In laga hadlo wax aadan cilmi u lahayn way xuntahay, haddii Alle iyo Rasuulkiisa (scw) laga sheegana ka sii xun, haddii dhaar lagu sii darana iskaba daa.

4. Muslimka waxaa saaran in uusan Alle ku dhiirran ee uu ula dhaqmo si taxadar leh, uuna istaago mawqif addoonimo, uuna qaato amarkiisa, kuna samro dhibta dacwada ka soo gaaraysa, isla markaana uusan ku degdegin in uu dadka xugun ku rido; maxaa yeelay shaqadiisu waa daacinimo ee ma aha qaallinimo.

5. Ninkaani walaalki wuxuu ka reebi jiray xumaanta mar kasta oo uu ku arko, waana xil weyn oo uu gutay, jawaabta ninka la wacdiyay baxshayna marna gar ma ahayn, waxaase ninka Alle ku ciqaabay waa in uu ka hadlay arrin uusan cilmi u lahayn oo maamulka Alle ah. Nabigeenna (scw) ayaa maalintii Uxud yiri: (sidee u liibaanayaan qowm daqray Nabigoodii isaga oo Alle ugu yeeraya?), markaas ayaa Alle soo dajiyay: (maamulka waxba kuma lihid, haddii uu rabo wuu ka toobad aqbalin ama wuu cadaabin illeyn waa daalimiine).

6. In laga cabsado khaatimo xumo; maxaa yeelay ninkii caabidka ahaa wuxuu galay naar, halka kii caasiga ahaa janno la geeyay. Taas waxay keenaysaa in aan ninna camalkiisu la weynaan ee Alle khaatimo wacan la weydiisto sidii Rasuulkeennuba (scw) yeeli jiray.

7. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Ahlu-sunnaha aaminsan in Alle qofkii uu doono u dhaafo dambiyada shirkiga ka soo haray iyaga oo aan toobad keenin, sida uu ninkaan caasiga ahba ugu dhaafay isagoo dambigii ku sii madax adag.

8. Waxaa habboon qofka muslimka ah in aysan caradu sawaabka dhaafin ee uu kitaabka Ilaahay ku dabranaado. Colaadda muslimku u qabo gaalada iyo faasiqiinta waa inaysan gaarsiin in uu isagu diinta khilaafo. Ilaahay wuxuu yiri: (yaysan idanku xambaarin (caro aad u qabtaan qolo) inaad xadgudubtaan inay masjid alxaraamka idiin diideen awgeed), wuxuu kale oo yiri Alle: (yaysan idanku xambaarin qolo caradeed in aydnaan caddaalad samayn ee caddaalad fala, isagaa Alle ka cabsiga u dhow’e).

Yuhuuddu Markii haweentu caado hesho wax lama cuni jirin, lamana joogi jirin guryaha, markaas ayaa asxaabtu weydiiyeen Rasuulka (scw) arrintaas, markaas ayaa Alle soo dajiyay: ( waxay ku weydiinayaan dumarka caadada qaba …), markaas ayaa Nabigu (scw) yiri: (wax kasta ku sameeya (dumarka dhiigga qaba) u tagis mooyee).

Markii arrinkaasi gaaray Yuhuudii ayay dheheen: Ninkaani wax kale ma doonayo in uu arrimahayagoo dhan nagu khilaafo mooyee. Markaas ayay yimaadeen Usayd ibnu Xudayr iyo Cabbaad ibnu bishr, waxayna dheheen: Rasuul Alloow Yuhuudi saa iyo saa ayay tiri ee soo uma tagno (dumarka caadada qaba)?. Markaas ayuu is badalay wajigii Rasuulku(scw) ilaa aan is niri: Rasuulku (scw) wuu u carooday …).

9. Waxaa saaran daaciga iyo mujaahidka in ay xusuusnaadaan in aysan gar ahayn in ay khilaafaan waxa ay dadka ugu yeerayaan. Eeg ciqaabta ku dhacday ninkaan xumaanta ka reebaya walaalki isaguna ku dhacaya dambi ka weyn. Taa macneheedu ma aha in uusan qof dambiile ah qof kale xumaan ka reebi Karin ee waa in ilaalinta diinta uu uga horreeyo dadka uu xumaha ka reebayo.

10. Qofna camalkiisa janno kuma galayo ee naxariista Ilaahay ayaa lagu galaa, camalka saalixa ahina sabab ayuu u yahay ee isagu janno ma gooyo. Rasuulkeennu (scw) wuxuu yiri: (qofna jannada camalkiisa ku gali maayo), markaas ayay ku dheheen ma xataa adigana?, markaas ayuu yiri: xataa aniguna, in Ilaahay raxmadiisa igu daboolo mooyee).

Faafin: Beerdhiga.com

Afeef:

Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.

RSS
(la soco isbadalada)
Print
(daabaco Maqaalkan)



. RSS Waxay qaadatay 0.08769 ilbiriqsi. 
Codsiyada kaydka: 6


 
Maamulka  
Gal booskaaga
Soo dir fayl
 
Maxaa Cusub  
Xayaysiiso  

affiliate_link

visit this site

Design ©        www.ururshe.com